Khamiistii lasoo dhaafay waxaa mandiqad dhacda bartamaha dalka Maali lagu xasuuqay dad shacab ah oo safar ah, kuwaasoo ku socdaalyay gudaha Wadankaasi.
Xasuuqa dadkan ayaa waxaa ka dambeeyay islamarkaana leyntooda iska kaashaday askarta xukuumadda Mali iyo Calooshood ushaqeystayaasha Ruushku tababaray ee Ruushka.
Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay mandiqadda Siiqoo ee katirsan wadanka Mali, kuna siijeeday kaamka barakacayaal oo ay ku degan yihiin dad kasoo udhashay dalka Murutaaniya, ayaa waxaa rasaas ku furay malleeshiyada Fagner iyo askrta dowladda Mali, waxayna halkaasi ku laayeen dad badan oo shacab ah.
Wakaaladda warar ee Reuters ayaa maalintii shalay sheegtay, in weerarkii Khamiistii dhacay lagu dilay 9 ruux oo ay ku jiraan caruur iyo haween, halka wakaallada France Presse ay dhankeeda mas’uuliyiin isku qariyay arrimo amnigooda la xiriira kasoo xigtay, in dadka gaariga saarnaa ay dhamaantood udhasheen dalka Mali, islamarkaan ay rasaas gaadiidka oo maraya tuulada Hambi ay rasaas huwiyeen, askarta Mali iyo Malleeshiyada Fagner, halkaasi ay ku dileen ugu yaraan 8 qof.
Nin qaraabo dhow la ah mid kamid ah dadka la xasuuqay ayaa sheegay, in dhamaan dadkii gaariga saarnaa ay naftooda waayeen, laguna wada duugay hal xabaal si wadar ah.
Ciidanka Mali iyo murtazaqada Fagner ayaa mar waliba sidan uxasuuqa qaar kamid ah shacabka Mali, ma ahan dadkan kuwii ugu horreeyay oo ay dilaan, waxaana jira xad gudubyo kale oo ay kulakacaan dadka shacabka ah.