Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka dagaallanta saxaraha iyo saaxilka Afrika, ayaa sii dardar gelineysa weerarada ay ku beegsaneyso, ciidamada dalalka Maali, Burkina Faso, Niger iyo kuwa kale.
Mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqa ayaa baahisay, filim kooban oo soo bandhigaya weerar xoogan, oo ay dagaalyahannada Nusratul Islaam wal Muslimiin ku qaadeen saldhig milliteri.