Dalka Mozambique ee qaaradda Afrika waxaa ka billawday rabshado ay dhigayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah,taas oo sababtay dhimashada in ka badan 33 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale.
Rabshadahaan ayaa yimid kadib markii maxkamadda dalkaas ay xaqiijisay guusha xibsiga talada haya ee Mozambique, kadib doorashooyin lagu muransan yahay oo dhacay, waxaana dadka ku dhintay rabashada ku jira 2 sarkaal oo katirsan Boliska dalkaas.
Sidoo kale tani ayaa sababtay in la boobo xarumo badan oo ganacsi kuwaas oo ku yaalla dalka Mozambique, waxaana Soomaalida gaar ahaan kuwa ganacsiga ku leh dalkaas lasoo darsay walaac xooggan.
Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya mucaaradka oo hubeysan, kuwaas oo dhac iyo bililiqo ugeysanaya xarumaha ganacsi ee ku yaalla Mozambique.
Marka laga yimaado dhimashada, dhaawaca iyo boobka ka dhashay rabashadaan, waxa ay sidoo kale sababeen in maxaabiis badan ay ka baxsadaan xabsi ku yaalla dalka Mozambique, iaygoo ka faa’iideysanaya qalalaasaha ka jira dalkaas.
Ina ka badan 1,500 oo Maxbuus ayaa la xaqiijiyay iney ka baxsadeen xabsi ku yaalla dalka Mozambique, xilli dalkaasi ay ka socdaan rabshado looga soo horjeedo xukuumadda, kadib doorasho muran badan dhalisay oo dhacday.
Taliyaha boliska xukuumadda Mozambique oo shir jiraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay dhimashada 33 ruux iyo dhaawaca 15 kale, isagoo geesta kale sheegay in wax ka badan 1,500 oo maxaabiis ah ay baxsadeen.
Waxa uu intaa ku daray in dib loosoo celiyay 150 kamid ah maxaabiistii baxsatay, halka wali la la’ayahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen maxaabiistii kale ee ka faa’iideystay qalalaasaha ka jira dalkaas.
Xaaladda ka jirta dalka Mozambique ayaa iminka ah mid cakiran, qolyaha mucaaradka ayaana ku doodaya in la musuqmaasuqay doorashadii dhacday aysanna aqbali doonin natiijadeeda.