Wadanka Suudaan ee dhaca qaaradda Afrika waxaa kasoconaya, dagaallo aan waxba la iskula harin oo dhexmaraya ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa loogu yeero AD-Dacmu AS-Sariic oo taageerada ka helay Imaaraadka Carabta.
Dagaalladan oo umuuqada kuwo la isku mari la’yahay, ayaa haatan meelaha ay ka dhacayaan waxaa kamid ah Galbeedka dalkaasi Suudaan.
Dhawaan Bayaan ay soo saareen ciidamada Suudaan ayey ku sheegeen, in dagaal waqti dheer qaatay oo ay la galeen malleeshiyaadka kooxda RSF ay ku dileen tiro ay ku qiyaaseen 150 malleeshiyo.
Waxay intaasi ku dareen in ay kala wareegeen kooxda RSF saldhiyo badan oo ay ku sugnayeen.
Dagaalkan ayaa ka dhacay magaalada Madaxda gobolka Waqooyiga Daarfuur ee Al-Faashir oo dhacda Galbeedka Suudaan.
Tan iyo markii aay dagaalladu ka bilowdeen wadanka Suudaan waxay tirokoobyada ay sameeyeen hay’ado caalami ah sheegayaan, in dagaalladaasi ay ku dhinteen 24,450 ruux, kuna barakaceen wax kabadan afar iyo toban malyan oo qof sida ay tirokoobyadooda ku xuseen.