Wadanka Suudaan waxaa ka howlcaya dagaal udhaxeeya kooxda Ad-Dacmu As-Sariic oo taageero ka heleysa xukuumadda Imaaraadka Carabta.
Maalintii shalay ciidanka xukuumadda Suudaan, ayaa ku dhawaaqay inuu malleeshiyada RSF kala wareegay, mandiqadda Waadi Hawal, saldhigga As-Surqi, iyo garoonkeeda Millateri oo dhaca gobolka Daar-Fuur ee dalka Suudaan.
Saldhigga As-Surqi wuxuu ku yaalla degaan wata isla magaca saldhigga, waan saldhig muhiim aah oo lagu tilmaamay inuu yahay saldhigga Millateri ee ugu weyn, iyo halka ay malleeshiyadan ka helaan gurmadka, wuxuuna dhacaa xad beenaadka udhaxeeya wadamada Suudaan, Chad iyo Liibiya.
Kahor inta aysan qabsan saldhiggan waxay sheegeen ciidanka Suudaan, iney dagaallo soo billowday subaxnimadii Sabtida kula soo wareegeen saldhigyo badan oo ay leedahay RSF, kadib ay soo gaareen saldhiggan wayn oo sheegeen iney haatan gacanta ku hayaan.
Waxay intaasi ku dareen iney kooxda RSF intii ay dagaalladu socdeen ka burburiyeen 122 gaari oo kuwa dagaalka ah, halka qaar kalena ay sheegeen iney kasoo furteen.
Bayaankooda waxay ku sheegeen iney kooxda Ad-Dacmu As-Sariic kala wareegeen 5 garoon oo Millateri, askar aan ka 700 askarina dhimasho iyo dhaawac uqeybsameen, halka ay intaasi sii raaciyeen iney qaar kale oo maxaabiis ah gacanta ku dhigeen, waa sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay ciidanka Suudaan.
Kooxda RSF oo dhankeeda ka hadashay dagaalka lagu qaaday waxay sheegtay, iney subaxnimadii shalay dib usoo ceshatay mandiqadda As-Surqi, ayna ka eriday dad ay ku sheegtay iney yihiin kuwo kusoo xad gubay.
RSF waxay ciidankii weeraray ku eedeeysay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihii xasuuqa dad shaxab ah sida ay hadalka udhigtay iyo baabi’inta hanti dadweyne, sida ku xusan bayaan ay soo saartay.