Jimmy Carter oo jira da’da boqolka sano islamarkaana dalka Mareykanka madaxweyne kasoo ahaa sanadihii 1977-dii illaa 1981-dii, ayaa maalintii shalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Beleenz ee gobolka Joorjiya oo katirsan dalkaasi Mareykanka.
Geeriyda ninkan mar madaxwayne kasoo noqday dalka Mareykanka ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay wiilkiisa, wuxuuna sheegay inuu dhintay shalay salaaddii Duhur kadib.
Ninkan ayaa kasoo katirsanaa xisbiga Dimoqoraadiga ee dalkaasi Mareykanka, wuxuuna Yahuudda Siiyay dhulka Seynaa’ ee maanta ku yaalla dalka Masar.
Wuxuu Dunidan ku noolaa muddo boqol sano ah, maalin-na Rabbigii abuutay ma rumeyn, sidiisi ayuuna ku dhintay noloshiisuna kusoo dhamaatay.