Carafaat Maxamad oo ahaa wiil dhallinyaro oo 20 sano jir ah, kaas oo Jimcihii dhawaan lagu waayay xaafadda Islii ayaa maanta meydkiisa laga soo saaray goob bulaacad ah oo ku taalla xaafadda Bahati ee deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi.
Xubno kamid ah qoyskiisa ayaa xaqiijiyay geerida Carafaat.
Booliiska ayaa meydkiisa geeyay goobta meydka la dhigo ee magaalada Nairobi, iyadoo la billaabay baaritaanno ku aadan dhacdadan.
Dilka iyo ugaarsiga Nairoobi loogu geysanayo Soomaalida ayaa soo badanayay waayadii u dambeysay, waxaana si gaar ah loo beegsanayaa dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba isugu jira.