27-kii September ee sanadkan 2024-ka, waxaa Koonfurta Dalka Lubnaan gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Bayruut Yahuuddu ku dishay hogaamiyihii ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah Xasan Nasrullaah, kaasoo ay ku garaacday halkii uu ku sugnaa ku dhawaad 100 gentaal.
Duqeyntaasi waxaa ka dhshay burbur baaxadleh, godad waaweyn ayaana ka qodmay halkii ay gentaalladu ku dhaceen.
Saacado badan ayey qaatay xilligaasi in Meydadka Xasan Nasrullaah laga soo saaro burburka hoostiisa, ugu dambeyna waa laga soo bixiyay iyadoo aan lasii sameyn baaritaanno dheeri ah oo la xiriira haddii ay jiraan dad kale oo kula dhintay halkaasi.
Muddoo dhowr bilood ah kadib, Maalintii shalay oo Jimco ahayd ayey kooxda difaaca madaniga mar kale iyagoo baaritaan ka sameynaya halkii lagu dilay Xasan Nasrullaah waxay heleen meydadka 3 ruux oo aan la aqoon cidda ay yihiin, waxaan wali maqan 4 ruux oo kale, maadaama dadka la baadigoobayay ay ahaayeen 7 ruux.
Duqeymihii iyo dagaalladii ka dhaca wadanka Lubnaan ee ay Yahuuddu halkaasi ku qaadday ayaa dhaliyay burbur aad ubaaxad weyn, illaa iyo haatanna Yahuuddu kamey suulin iney dhibaatooyin ka waddo Koonfurta dalkaasi.