Iyadoo maamulka Yahuuddu wali uu wado xadgudubyada kala duwan ee uu ka geysanayo wadanka Lubnaan, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa meydadka 5 ruux oo hor leh lasoo saaray burburka duqeymiha hoos tiisa.
Meydadkan ayaa waxaa la helay kadib markii baaritaanno loogu dhaqaaqay goobaha la duqeeyay ay duqeymuhu ka dhaceen, waxaana meydadkan laga helay magaalada Khiyaam oo dhacda Koonfurta Lubnaan.
Shanta ruux ee meydadka ah ma cadda in lagu dilay duqeymihii dhacay kahor xabad joojinta la sheegay in laga hirgeliyay halkaasi ama ka gadaal markii uu heshiisku dhacay.
Howlgalka lagu baadigoobayo dadka ku hoos jira burburka hoostiisa ayaa ku eg maanta sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan, waxaana suurgal ah in inta uu socdo dad kale ku nafwaayay duqeymaha laga soo saaro burburka hoos tiisa.