Maxkamadda Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa amartay in lasoo xiro malleeshiyaad katirsan Macwiisleyda ku sugan Shabeellaha Hoose, kuwaasoo horey u dilay ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Xubno ka socday maxkamadda oo tagay deegaanka Ceel-baraf ayaa sheegay in baaris kadib ay ogaadeen shakhsiyaadka geystay dilka, ayna u jartay warqad soo qabasho ah.
Xiisad ayaa weli ka taagan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo hab qabiil loo abaabulay, ayna hurinayaan madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka, waxaana ciidanka Ceelbaraf lagu dilay ay kusii jeedeen qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.