Tuesday, January 7, 2025
HomeAll NewsMaxkamad Ku Taalla Kuuriyada Koonfureed oo Amartay in Lasoo Xiro Madaxweynihii Hore.

Maxkamad Ku Taalla Kuuriyada Koonfureed oo Amartay in Lasoo Xiro Madaxweynihii Hore.

Waarankan ay soo saartay maxkamaddan katirsan xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ku xusan, soo qabashada madaxwaynihii hore ee wadankaasi Yuun Suuk Yuul.

Ninkan ayaa sababta ay maxkamaddu u amartay soo xiridiisa waxaa lagu sheegay, isku daygii fashilmay ee uu ku kacay oo ahaa, inuu xaalad deg deg ah kusoo rogo, wadanka, islamarkaana uu bedelo hab-maamulka haatan wadankaasi ka jira ee dowladdaasi udhisan.

Warqaddan oo soo qabasho iyo baaris lagu sameynayo madaxwaynaha isugu jirta, ayaa saakay kasoo baxday maxkamadda mandiqadda Sool Al-Qarbiyyah.

Tan iyo markii uu hogaamiyahan soo qabashadiisa la amrtay ku dhawaaqay xaaladda deg degga ah ee uu rabay inuu kusoo rogo wadanka balse ka fashilantay, waxaa dowladdaasi ka dhex billowday qalalaase siyaasadeed, kaasoo illaa iyo maanta ay la daalaa dhacayso xallintiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments