Wasaaradda dagaalka ee Mareykanka ayaa maalintii shalay war ay soo saartay ku sheegtay, in Ridaa Ibnu Saalix Al-Yaziidi oo ku xirnaa xabsiga Guatanamo ay Isniintii lasoo dhaafay dib ugu celisay Dowladda Tuunis oo markii horaba u gacan gelisay.
Ninkan Muslimka ah ayaa Isniintii dib loogu celiyay wadankiisa balse wali kama uusan suulin uu maxbuus yahay.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Xabsiga Guantanamo ay ku hareen 26 maxbuus oo ay ku jiraan 14 ay dooneyso iney kasoo qaado halkaasi iyo labo maxabuus oo xukunsanayaal ah, kuwaasoo aysan faahfaahin ka bixin eedeymaha loo haysto iyo dalalka ay kasoo jeedaan intaba.
Marka aan usoo laabanno Ridaa Ibnu Saalix Al-Yaziiddi waxay 2005-tii isago rag kale dowladda Tuunis ku eedeeysay iney katirsan yihiin koox agagixiso ah iyo iney ku howlan yihiin weeraro iyada kan ah, iyagoo wadanka ka maqan ayaana maxkamad ku taallo dalkaasi waxay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah iyo 5 oo kor joogteyn ah oo ay dalka ka bixikarin.
Kadib Ridaa waala xiray wuxuuna sanado badan kusoo qaatay xabsiga sumacadda xun ee Guatanamo Bay, oo uu Mareykanku Kuuba ka aas aasay kadib weeraradii waa waynaa ee 11 September, oo 2001-adii laga fuliyay gudaha Mareykanka.