Tan iyo wixii ka dambeeyay markii la riday nidaamkii Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad, waxaa isa soo tarayay xabaal-wadareedyo laga helayay magaalooyinka Suuriya, kuwaas oo ay ku aasan yihiin kumannaan ruux oo si xaqdaro ah lagu laayay.
Waxaa ugu dambeeyay xabaal wadareed laga helay baadiyaha magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, halkaas oo ay ku aasnaayeen in ka badan 1,200 oo ruux.