Dagaalkan oo noqonaya kii ugu dheeraa ee soo mara taariikhda Yahuudda , kaas oo muddo sannad ka badan ka socday magaalada Qaza, ayaa ciidammada Yahuudda waxa ay maanta qarka u saaran yihiin dhibaato aan horay loo arag, sidoo kale askartan ayaa dagaalka kala kulmay xanuuno nofsaaniya oo dhimir ahaan usaameeyay.
Dagaalkan oo socday In ka badan 466 maalmood, ayaa goobaha dagaalka waxaa lagu arkayay dhimashada iyo dhaawaca kumanaanka askarta Yahuudd ah, iyadoo uu ku socday dagaallo ba’an oo naafeeyay hantidii iyo agabkii ciidan ee lagusoo qalabeeyay.
Iyada oo ay arrintani jirto ayay hadana dhanka kale waxuu khal khal xooggan iyo isku dhex yaac ku yimi safka ciidamada Gumaystaha, warbixin ay diyaariyeen khubaro millatari oo tafaasiisheeda qaar uu faafiyey wargeyska Yahuuda ee Yedioth Ahronoth ayaa shaaca ka qaaday, hoos u dhac muuqda ee ku yimi ciidamadii ay waayo badan ku faani jireen.