Ciidammada guumaysiga Yahuudda ayaa Maalintii toddobaad wada hawlgallada millatari ee ka dhanka ah waqooyiga Daanta Galbeed, waxay sii wadaan go’doominta ay ku hayaan magaalada Jenin gaar ahaan xerada Jenin, iyagoo dadkii deganaa ku qasbaaya inay ka barakacaan deegaanadooda, waxa ayna gubeen ciidamad gumaystaha illaa 70 guri oo ay leeyihiin dadka shacabka, iyagoo gabi ahaanba burburiyeen 30 guri, halka boqolaal gurina ay u geysteen garaafoon xooggan.
Hawlgalka hadda socda oo ay guumeysigu ugu magacdareen “Darbiga Birta”, ayaa sababay dhimashada 16 Falastiiniyiin ah, halka tobanaan kalana ay noqdeen wax dhaawacma iyo kuwa xabsiga loo taxaabo, iyadoo xogta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA ay muujinayso in barakicin lagu hayo shacab ku nool xerada Jenin, halkaas oo ay degan yihiin qiyaastii illaa 20 kun oo qof, xilli kumanaan qof ay ka joogsadeen waxbarashadii iyo adeegyadii caafimaadka.