Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku caanbaxay aflagaadaynta Nabigeenna Sallalaahu Calyhi wasalam ayaa subaxnimadii jimcahii lasoo dhaafay gaaray caasimadda Lubnaan ee Beirut, waana booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii loo doortay taliyaha ciidamada Joseph Aoun inuu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda Lubnaan, jagadan oo banaanayd in ka badan laba sano.
Booqashadan ayaa imaanaysa 4 sano kadib booqashadiisi hore ee uu ku tagay dalkaas, taas oo wax yar un ka danbaysay qaraxii waynaa ee ka dhacay dekedda magaalada Beirut. Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan dalka Lubnaan waxay booqashadaan ka tarjumaysaa rabitaanka Paris ee ah xoojinta iskaashiga ay la yeelan doonto hoggaanka cusub ee dalka Lubnaan.
Booqashadan ayaa qaadatay hal maalin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Faransiiska, Macron wuxuu wadahadal la yeeshay madaxweynaha cusub ee Lubnaan Aoun, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas Nawaf Salam, iyo afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri, isagoo diiradda saaraya taageeridda madaxbannaanida Lubnaan iyo xaqiijinta midnimadeeda waa sida warka loo dhigaye.
Faylasha ugu caansan ee ajandaha waxaa ka mid ahaa in xoogga la saaro in la laasimo xabbad joojinta lagu dhawaaqay 26-kii November ee u dhaxaysay ururka Shiiciga ah ee isugu yeera Xisbullaah iyo Yahuuddda, iyada oo ay si wadajir ah u dhexdhexaadinayeen madaxweynayaasha Maraykanka Joe Biden iyo Emmanuel Macron oo labaduba ku saf ah Yahuudda.