Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in tiro maxaabiis ah ay ka baxsadeen, xabsi ku yaalla ismaamulka Kisii ee dalkaas.
Illaa 4 maxaabiis ah ayaa la xaqiijiyay iney ka baxsadeen xasbiga ku yaalla ismaamulkaan, waxayna Boolisku sheegeen iney wadaan baadigoobka maxaabiistaas.
Waxa ay jabiyeen albaabka qolkii ay kaga jireen xabsiga, iyagoo dhaawac ugeystay mid kamid ah askartii ilaalada ka heysay halka ay ku xirnaayeen.
Ragaan xabsiga ka baxsaday ayaa waxa ay ku eedeysnaayeen dambiyo ay kamid yihiin weeraro iyo ganacsiga daroogada.