Aqoonyahan Jeylaani Cabdullaahi Cusmaan oo ku xeeldheer cilmiga Beeraha, ayaa sameeyay diraas cilmiyeed uu kaga hadlayo in Soomaaliya lagu beeri karo Qamadiga iyo in kale, iyo waxa dalkan iyo dadkiisaba u diiday iney qamadiga beertaan.
Wuxuu isudl taag ku sameeyay lacagaha ay Soomaalida ku bixiyaan burka iyo baastada oo laga sameeyo qamadiga, taasoo uu ku sheegay in sanadkiiba ay ka badantahay saddex boqol oo malyan oo doollar.