Suubanaha ﷺ marka uu salaadda ku jiro wuxuu dhaqan ulahaa inuu ku duceysto ducadan:
.(اللهم إني أسألك الثبات في الأمر، والعزيمة على الرشد)
Xadiih-kan waxaa nabiga ﷺ ka wariyay saxaabiga Shadaad ibnu Ows Alle haka raali noqdee, wuxuuna ku qoran yahay saxiixa ibnu Xibbaan.
Ducadan wuxuu nabigu ﷺ udoortay muhiimadda ay leedahay, wuxuuna ku derijiray cibaadaadka midda ugu muhiimsan oo ah salaadda, mar waliba ayuuna ku celi celinjiray.