Friday, January 10, 2025
HomeAll NewsMaxaa ka Jira in Dowladda Chad ay Taageerto Malleeshiyaadka RSF?

Maxaa ka Jira in Dowladda Chad ay Taageerto Malleeshiyaadka RSF?[WARBIXIN]

Xiriirka ka dhaxeeya dalalka Suudan iyo Chad, waa mid salka ku haya xiriir siyaasadeed, mid bulsho iyo mid amni intaba, iyadoo uu san meesha ka marnayn iskaashiga dhanka dhaqaalah ah ee u dhaxeeya Labadan dal, dalalkan ayaa leh xiriiro ay nadir tahay in  Afrika laga helo wadamo sidan oo kale xiriir u leh. Iyadoo dalka Suudaan uu wajahayo colaado sokeeye, hase ahaatee Balaaritaanada dagaaladan ay ku yeesheen xuduudaha Labadan dal ayaa u baahan Falanqayn xeel-dheer, si xal loogu helo iskaashi istiraatijiyadeed oo dheellitiran, kaas oo ilaalinaya danaha guud ee Labada dal iyo caqabadaha amni ee ka jira.

Suudan iyo Chad waxa ay wadaagaan xaalado isku mid ah, kuwaas oo ah mid juquraafi iyo mid siyaasadeed intaba, waxaana arintan ku midaysan is dhexgalka bulsho ee ka jira Labada dal, taas oo muujinaysa 13-ka qabiil ee kala daga xuduudada ay wadaagaan Labadan dal, kuwaas oo wadaaga xuduud ku dherersan illaa 1,403 kilomitir, xuduudkan ayaa ah kan ugu dheer marka laga reebo xadka Suudan uu la wadaago Koonfurta Suudan. Si kastaba ha ahaatee, waxa adag in lakala sooco xadka Labadan dal u dhaxeeya, laakiin xuduudkan kala teeda Suudaan iyo Chaad ayaa leh  taariikh  Adag oo soo jireen ah, taas oo taagnayd tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay Chad 1960-kii.

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments