Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda dowladda Xabashida Itoobiya, kaasoo kulamo la yeelanaya masuuliyiinta Dowladda Federaalka, kana wada hadlaya sidii ciidamada Itoobiya qeyb uga sii ahaan lahaayeen duullaanka Shisheeyaha ee dalkan.
Wafdiga ka socda dowladda Itoobiya ee soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa ku jira wasiiro iyo taliyaal ciidan, xubnaha qeybta ka ahna waxaa kamid ah wasiiru dowlaha arimaha dibadda Itoobiya, wasiiradda Gaashandhiga Aisha Maxamed, saraakiil katirsan Sirdoonka Itoobiya iyo taliyaha ciidanka Berhanu Julla.
Masuuliyiinta Itoobiyaanka ayaa kulamo la leh madaxda Dowladda Federaalka, iyagoo ka dhaadhicinaya in ciidankooda ay kasii mid ahaadaan duullaanka loogu magacdaray AUSSOM.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo la hadlay warbaahinta, waxay Dowladda Federaalka dib uga laabatay wararkii ay ku sheegeysay in ciidamada Itoobiya aaney sii joogi doonin Soomaaliya, iyadoo u hogaansameysa cadaadiska Turkiga iyo Maraykanka.
Cali Balcad oo ah wasiiru dowlaha arimaha dibadda ee Dowladda Federaalka, ayaa sheegay iney suurogal tahay iney dib u eegaan go’aankii ay horey ugu diideen, in ciidamada Itoobiya ay kasii mid ahaadaan duullaanka Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in labo kun illaa saddex kun oo askari ay uga sii mid ahaan doonaan duullaanka Soomaaliya, iyadoo ay dabcan u dheertahay ciidanka kumanaanka ah ee xilligay doonaan soo gala, waqtigay doonaanna ka baxa.