Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa sheegay, in Soomaaliya ay faragalin ku hayaan Dowlado Shisheeye oo taageeraya madaxda iyo siyaasiyiinta si ay masaalixdooda ugu fuliyaan.
Cismaan Barre Maxamed oo ah gudoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka la baxay Hirshabeelle, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in siyaasadda Soomaaliya ay faragalin ku hayaan dowlado Shisheeye.
Waxa uu ka gaabsaday in uu magacyadooda sheego dowladaha Shisheeye ee faraglinta ku haya siyaasadda Soomaaliya.
Madaxda iyo musharrixiinta ayuu tilmaamay iney Shisheeyuhu lagaco soo siiyaan, si ay ugu fushaan danahoooda ay ka leeyihiin Soomaaliya.