Tuesday, December 24, 2024
HomeAll NewsMasuul Katirsan Maamulka Somaliland oo Isku Dhiibay Maamulka SSC-Khaatumo.

Masuul Katirsan Maamulka Somaliland oo Isku Dhiibay Maamulka SSC-Khaatumo.

Wararka ka imaanaya gobollada Wuqooyi ee Soomalaiya ayaa tilmaamaya, in masuul katirsanaa maamulka Soomaaliland uu isku dhiibay maamulka SSC-Khaatumo ee xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood.

Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sanaag Jaamac Maxamuud Warsame, ayaa la sheegay inuu isku dhiibay maamulka SSC-Khaatumo, isagoo ka cararay magaalada Ceerigaabo, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay xiisado colaadeed ka taagnaayeen.

Goosashada masuulkan katirsan Maamulka Soomaaliland ayaa kusoo aadeysa, iyadoo weli xiisad dagaal ay ka dhextaagantahay labada dhinac, maamulka SSC-Khaatumana uu sheegay inuusan wax wadahadal ah la geli doonin maamulka Soomaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments