Taliyaha Booliska gobolka Mudug ugu magacaaban maamulka la baxay Puntland ayaa waxa uu si bareer ah gaari u jiirsiiyay laba wiil oo dhalinyar ah, kuwaas oo watay mooto laba lugaaley ah, kuwaas oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Tani ayaa sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo mid kamid ah labada wiil, halka kan kale oo dhaawac ahna la dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada.
Hooyada dhashay wiilasha dhimashada iyo dhaawaca ku noqday falkan bahalnimada ah ayaa warbaahinta u sheegtay in wiilkii dhaawacmay uu ku dhibaataysan yahay cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo isla markaana mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay diideen in ay magdhow ka bixiyaan falkaasi foosha xun.