Gudoomiye kuxigeenka Bankiga dhexe ee Dowladda Federaalka Cali Yaasiin, ayaa sheegay inuu mar go’aansaday inuu cadaalad u doonto maxkmadaha Islaamiga ee ay hirgelisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in dhul lagu qabsaday, isaguna uu go’aansaday inuu u xukun tago Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laakiin ugu dambeyn uu ka cabsaday iney arintaas ogaato Dowladda Federaalka, oo ay shakhsiyadiisa saameyn ku yeelato.