Dowladda Masar ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah ushaacisay iney Soomaaliya usoo direyso, ciidamo ka qeyb qaata duullaanka Shisheeyaha sanadka cusub ee 2025-ka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Masar Badar Cabdil Caadhi ayaa maalintii shalay oo Isniin aheyd waxa uu shaaca ka qaaday, in Masar ay ciidamo ugu deeqeyso howlgalka cusub ee loogu magac daray “AUSSOM” OOSOM, kaas ay sannadka cusub ee 2025-ka Shiseehayaha ka billaabi doonaan Soomaliya.
Shir jiraa’id oo ay isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka Axmed Macallin Fiqqi ku qabteen magaalada Al-Qaahira ayuu Badar ku sheegay, in Masar ay go’aasatay in ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, annagoo ajiibeyna buu yiri dalab inooga yimid xukuumadda Soomaaliya iyo golaha ammaanka ee Midowga Afrika.
Waxa uu intaas ku daray in isaga iyo Fiqqi ay kawada hadleen marxaladda kala guurka ah ee ay mareyso Dowladda Fedaraalka, ayna walaac ka qabaan inuu dhaco firaaq amni oo suuragalin kara, in marka ay Shisheeyaha ATMIS ka baxaan dalka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegto guud ahaan Soomaaliya.
Hadalka kasoo yeeray Dowladda Masar oo ah mid rasmi ah ayaa xaqiininaya, warar mudooyinkii lasoo dhaafay ay warbaahintu tabineysay, kuwaas oo sheegayay in Masar ay ciidamo usoo direyso Soomaaliya, walow uu arrinkaan horay usoo hadal qaaday ururka Midowga Afrika, kaas oo sheegay in Masar ay ku deeqday ciidamo ka qeyb qaata howlgalka cusub.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo Dowladda Fedaraalka ay heysato xaalad jawahareer ah, dhawaanna Ankara ay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku kala saxiixdeen heshiis Dowladda Xabashida Itoobiya loogu ogolaaday iney qaadato qeybo kamid ah Badda Soomaaliya, Xasan ayaana umuuqda mid ay xaaladdu ku adagtahay oo laga doonayo is waafajinta masaalixda is diidan ee ay Shisheeyuhu ka leeyihiin Soomaaliya.
Falanqeeyayaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa tilmaamaya, in Dowladda Fedaraalka ay dhex maquuraneyso fashil iyo guuldarro adag, ayna lugaha la gashay azmo aysan ka bixi karin oo ay ugu horreyso is waafajinta masaalixda kala duwan ee ay Shisheeyaha is diidan ka leeyihiin Soomaaliya, taas oo ay usii dheer tahay dagaalka kala dhaxeeya maamulka la baxay Jubbaland oo garab ka helaya Dolwadda Xabashida Itoobiya, sidaba uu xaqiijiyay Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo dhawaan tagay dalka Itoobiya.