Duqeymahan oo dhacay maalintii shalay ka dhacday magaalada Sancaa, ee caasimadda wadanka Yaman ayaa waxaa fuliyay dhowr diyaaradood oo ay leedahay xukuumadda Washington.
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha ay ka fuliyeen magaalada Sancaa, ay la bartilmaameedsadeen dhismayaal ay leeyihiin malleeshiyada Xuuthiyiinta ee Shiicada ah.
Dhismayaashan ayey Mareykanku ku sheegeen in midkood ahaa mid lagu keydiyo gentaallada, halka midka kalena ay tilmaameen inuu yahay talis laga hago howlgallada Xuuthiyiinta ee dhanka badda ka dhaca.
Waxaa sido kale lagu xusay warka kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka, iney duqeeyeen dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay malleeshiyada Xuuthiyiinta, iyadoo sido kale ay sheegeen, iney gentaallo Nooca Kuruuska ah oo ay leeyihiin isla Xuuthiyiinta ku duqeeyeen gudaha Badda Cas.
Xuuthiyiintu waxay dhankooda sheegeen jiritaanka duqeymahan uu Mareykanku sheegtay fulintooda, waxay sheegeen iney ku dhaceen mandiqadda Caddaan ee katirsan Sancaa,.
Duqeymahan ayaa kusoo aaddaya xilli labo maalin kahor ay isla magaaladan iyo meelo kale oo katirsan Yaman ka dhaceen duqeymo uu fuliyay maamulka Yahuudda.