Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in xilka laga qaado maxkamadna la horkeeno masuuliyiin katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.
Xukuumadda Washington ayaa soo jeedisay in xilka laga masuuliyiin sarsare oo katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeysay iney geysteen xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Masuuliyiinta oo aan magacyadooda la sheegin ayuu Mareykanku ku eedeeyay iney ku kaceen tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada, si gaar ah xilligii uu socday dagaalka Tigree.
Haweeneyda ah madaxa xafiiska dambiyada caalamiga ah ee Mareykanka ayaa sheegtay, in Itoobiya ay wali kasii socdaan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, iyadoo si gaar ah u sheegtay gobalka Tigree.
Halkaan ka Degso Warka Mareykanka