Duqeyntan oo ah mid cusub oo dhanka Cirka ah islamarkaana ay fulisay dowladda Mareykanka, ayaa dhawaan ka dhacday wadanka Yaman.
Mareykanku wuxuu sheegay inuu bartilmaameedsaday, taliska laga hago howlgallada kooxda Xuuthiyiinta, sida howlgallada ka dhaca badda Cas ee marmar badan lagu beegsaday maraakiib uu leeyahay Mareykanka iyo kuwo kale oo ganacsi islamarkaana qaar badan oo kamid ah ay leeyihiin ree Galbeedka iyo Yahuudda.
Warbaahin taabacsan kooxda malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhankeeda sheegtay war ku saabsan, duqeymo ay xuseen inuu mareykanku ka fuliyay degmada As-Saafiyah ee katirsan magaalada Sancaa, ee caasimadda wadanka Yaman.
Faahfaahin intaasi dheeri ka ah kama anan helin duqeyntan, iyo haddii ay jiraan waxyeellooyin ka dhashay.
Dhawaan ayey ahayd markii diyaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay duqeyn ka fuliyeen, gobolka Al-Xudeyda ee wadankaasi Yaman.