Maalintii shalay oo Arbaco ahayd bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa lagu sheegay, in ay Suuriya ka fuliyeen duqeymo ay la beegsadeen malleeshiyaad ay taageerto xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan oo wadankaasi ku sugan.
Duqeyntan ayuu taliska ciidamada Mareykanka sheegay, inuu ku beegsaday bakhaaro lagu keydiyo hubka iyo xarumo ay yaallaan loojiistko oo ay leeyihiin malleeshiyadan gacan saarka la leh Iiraan.
Kooxahan ay taageerto dowaldda Iiraan ayaa dhawaan weerar gantaallo ah ku qaaday saldhiga ciidanka Mareykanka ee lagu magacaabo As-Shadaadi oo ku yaalla gobolka Al-Xasakah ee dalka Suuriya.
Maalmo kahor ayey ahayd markii Mareykanku sidan oo kale dalka Suuriya uu ka fuliyay, duqeymo uu ku bartilmaameedsaday malleeshiyaadkan.