Maalmihii lasoo dhaafay waxay dagaallo culus oo aan waxba la isku reeban dhexmareen malleeshiyaad ay kala taageerayaan dowladaha Mareykanka iyo Turkiga, waxayna dagaallada ka dhaceen deegaano dhaca waqooyiga magaalada Banbaj ee wadanka Suuriya.
Dhinacyada dirirtu dhexmartay ayaa mid waliba wuxuu sheegtay guulo, iyadoo ay soo kala gaareen khasaarooyin kala duwan, askar bandanna iska laayeen.
Kooxda Kurdiyiinta ee magacooda loosoo gaariyo [Qasad] oo ay taageerto xukuumadda Washington, ayaa sheegay iney tobanaan askari ka dileen malleeshiyada xiriirka la leh Turkiga, kadib dagaallo ay isaga kor yimaadeen labada garab.
Bayaan ay soo saareen khamiisti ayey ku sheegeen iney malleeshiyada Turkigu taageero ka dileen tobanaan malleeshiyo ah, islamarkaana ka gubeen 6 gaari.
Dhanka kooxaha ay taageerto xukuumadda Ankara gaar ahaan koox lagu magacaabo Jeyshul Al-Wadan waxay sheegteen, iney iyaguna kooxda Qasad kala wareegeen deegaano badan oo dhaca Waqooyiga Suuriya.