Monday, January 6, 2025
HomeAll NewsMalleeshiyaadka FANO oo Dilay Hogaamiye Katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.

Malleeshiyaadka FANO oo Dilay Hogaamiye Katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya.

Wararka la helayo dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ay dileen hogaamiye sare oo katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya, sida lagu sheegay war kasoo baxay kooxdaas.

Hogaamiyaha maleeshiyaadka FANO ee mandiqadda Wallo ninka lagu magacaabo Miira Waadjo ayaa sheegay, in askartoodu ay nafta dhaafiyeen taliyihii qeybta 48aad ee ciidanka Itoobiya Korneyl Tiika Mekoobo Muxamed.

Kooxda FANO ayaa baahisay sawirro muujinaya aqoonsiga hogaamiyaha katirsan ciidanka Itoobiya ee ay sheegeen iney dileen, iyo qalabkii isgaarsiinta ee uu watay sarkaalkaas Itoobiyaanka ah, walow aysan keenin meydkiisa.

Sheegashada ku aaddan dilka taliyihii qeybta 48aad ee melleteriga Itoobiya waxaa sidoo kale xoojiyay madaxa siyaasadda ee maleeshiyaadka FANO, iyadoo ay xoguhu intaasi ku darayaan in hogaamiyaha lala dilay sarkaal 1 xidigle ah oo caawiye u ahaa.

Hogaamiyayaashaan katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya ayay FANO tilmaamtay iney ku dishay, dagaallo xooggan oo ka dhacay dhulka buuralayda ah ee isku xira Raaya iyo Woldiya, halkaas oo ay marto waddo istiraatiiji ah oo aadda gobolka Tigre iyo mandiqadda Koobo ee dalka Itoobiya.

Dagaalladaas oo maalimihii lasoo dhaafayba socday ayay kooxdu sheegtay iney ku dishay in ka badan 200 oo askari oo katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya, iyadoo aysan sheegashadaasi wali ka hadal xukuumadda Adis Ababa.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa wajaheysa dagaallo wajiyo badan leh oo kaga imaanaya maleeshiyaadka kala duwan ee ka dagaallamada gudaha dalkaas, kuwaas oo dhiig-bax daran dhaxalsiiyay ciidanka Xabashida, dhawaan ayayna aheyd markii siyaasiga mucaaradka ah ee Jawaar Maxamed uu sheegay, in Abiy Axmed uu ka taliyo oo kaliya magaalada Adis Ababa, dalka Itoobiyana uu u horseedayo burbur iyo colaado aan dhamaad laheyn.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments