Maalintii shalay malleeshiyada RSF ayaa duqeyn aan loo meel dayin la beegsaday, shacabka ku sugan xero baraka coo ku taalla duleedka magaalada Al-Faashir ee wadanka Suudaan.
Duqeyntaasi oo ahayd mid madaafiic ah, ayaa waxay RSF ku dileen dad gaaraya illaa 7 qof, halka ay dhaawaceen 11 kale.
Kooxdan oo go’doon ku haya magaalada Al-Faashir, ayaa sidan uduqeeya mar waliba xerayaha barakacayaasha ee ku yaalla hareeraha magaalada.
RSF muddo bilooyin ah oo ay ku hayso go’doon magaaladan, way ku fashilantay iney la wareegto, waxaana gacanta ku haya ciidamada Suudaan oo iyaga laftoodu aan waxba ugu maqneyn dadka shacabka ah, ee kaliya illaashanaya danahooda.