Malleeshiyaadka Ad-Dacmu As-Sariic ayaa dad shacab ah ku laayay, duqeyn ay ka geysteen xerada barakacayaasha Abu Shuuk ee ku taalla magaalada Al-Faashir ee katirsan gobolka Daar-Fuur oo kamid ah gobollada wadanka Suudaan.
Duqeyntan oo ahayd mid dhulka laga tuuray ayaa waxay malleeshiyadan ku dileen 3 ruux oo ay ku jiraan labo caruur ah, halka ay dhaawaceen 3 kale.
Dadka dhibaatada intan la eg loo geystay ayaa ahaa rayad kasoo qaxay dagaallada, kuwaasoo doonayay iney naftooda ka badbaadsadaan hubka la isk dhaafsanayo, hase ahaatee malleeshiyadan ayaa ku xasuuqay halkii ay hoyga ka dhigteen.
Waxay kooxdan RSF dhaqan uleeyihiin, iney madaafiic uqeybiyaan kaamamka barakacayaasha, si ay u ugumaadaan dadka shacabka ah ee ay guryahooda kasoo barkiciyeen.