Deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh-dhexe waxaa lagu dilay askar katirsan Dowladda Fedaraalka, kadib markii ay wadada ugaleen maleeshiyaadka Macawiisleyda.
Askarta la dilay ayay tiradoodu aheyd 7, waxaana ay fasax ahaan ugu socdeen reerahooda, balse maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa wadada ugalay askartaan, waxaana muuqaal ay kasoo duubeen xilligii ay leynayeen ku baahiyeen baraha bulshada.
Xasan Dhicisoow oo ah taliyaha maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa si adag u cambaareeyay dilka askartaas, isagoona sheegay iney tallaaabo ka qaadi doonaan maleeshiyaadkii falkaasi geystay.
Halkaan ka Degso Warka Askarta la Dilay