Dad aad ubadan ayey maalmihii lasoo dhaafay dileen ciidamada Liyuu Boolis ee dagaalka degaanka Dacwaley ee katirsan dhulka Soomaali-Galbeed.
Dad ka badan 125 ruux oo ay dagaalladii maalmahan dhacayay ku xasuuqeen ciidanka Liyuu Booliska, ayaa shalay aas wadareed loo sameeyay, waxaana kamid ah meelaha lagu aasay degaan Balli-Gubadle ee dhaca Waqooyiga Soomaliya.
Liyuu Booliska ayaa xilligii ay dadkan xasuuqayeen hal goob oo kaliya ku dilay 40 ruux, halka goob kalena ay ku xasuuqeen 50 kale.