Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in weeraro qaraxyo ah ay ka dhaceen degmooyin dhowr ah oo katirsan gobalka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya.
Degmooyinka ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa kamid ah Dase, Waldiya iyo Bahar-dar ayay ka dhaceen weeraradaan ay fulisay maleeshiyada FANO ee dagaalka kula jirta Itoobiya.
Weeraradaan ayaa yimid kadib markii ay maamulka gobalka Amxaarada ay shacabka ku amreen iney dhigaan dibadbaxyo FANO loogu baaqayo iney wadahadal la furto maamulka, kuwaas oo dhacay.
FANO ayaa shacabka uga digtay iney ka qeyb galaan dibadbaxyada, balse warkooda lama qaadan, taas ayaana sababtay iney qaraxyo la beehsato dadka shacabka ah.
Khasaarooyin kala duwan ayaa lasoo warinayaa iney geysteen qaraxyadaan ay fulisay maleeshiyada FANO, balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha.