Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa maleeshiyo beeleed hubeysan oo shalay weerar ku qaadeen, xabsiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug qeybta uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland.
Ugu yaraan 1 ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay, weerarka ay maleeshiyaadka hubeysan ku qaadeen xabsiga magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo doonayay iney maxaabiis ka furtaan gudaha xabsiga.