Majallada Sadal Malaaxim, oo ay soo saaraan Mujaahidiinta AlQaacida ee Jaziiratul Carab, ayaa soo saartay cadad cusub oo ay ku jiraan maqaalaad iyo warbixinno muhiim ah.
Cadadkan oo ah kii 19aad ee majallada Sadal Malaaxim, ayaa soo gudbinaya maqaalaad kala duwan oo ay qoreen xubno katirsan Mujaahidiinta AlQaacida iyo culimada Muslimiinta, waxaana si gaar ah loogu soo bandhigay howlgallada Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca sanadihii ugu dambeeyay ka fuliyeen dalka Yemen.
Sida ku cad tirakoobk Infoograafik ah oo ay baahisay majallada, laga soo billaabo Safar sanadkii 1444-tii hijriyada illaa Safar 1446-da hijriyada, waxay Mujaahidiinta AlQaacida ee Jaziiratul Carab fuliyeen howlgallo kala duwan oo ahaa sidatan:
Shan weerar oo toos ah, hal camaliyad oo istish-haadiyo ah, 15 duqeyn oo loo adeegsaday diyaarad drones ah, 139 qarax, 10 weerar oo arbushaad ah, 18 howlgal oo shiish ah, 4 duqeyn oo sawaariikh loo adeegsaday, 16 duqeyn oo hoobiye loo adeegsaday iyo 7 weerar oo kamiin ah.
Marka laga hadlayo khasaaraha ay geysteen weeraradan, waa dhimashada 234 ruux oo 21 kamid ah yihiin saraakiil sare, dhaawaca 379 ruux, burburinta 113 gaari iyo 7 mooto, soo riditaanka 4 diyaaradood, kuwaasoo isku darkoodu lacag ahaan ka badan 2 malyan oo doollarka Maraykanka ah.