Wednesday, January 15, 2025
HomeAll NewsMadaxweynihii Kuuriyada Koonfureed oo Xabsiga La Dhigay.

Madaxweynihii Kuuriyada Koonfureed oo Xabsiga La Dhigay.

Yuun Sook Yuul oo ah madaxweynihii dhawaan xilka laga casilay ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa saakay lagu weeraray halkii uu deganaa, waxaana loo taxaabay xabsiga.

Ninkan ayaa loo heystaa illaa iyo hadda xaaladdii deg dega ahayd ee uu wadankaasi kusoo rogay markii uu xilka hayay, wuxuuna waxaana islamarkiiba la geeyay xarunta dembi barista halkaasi uu su’aalo lagu waydiinayo.

Wakaalladda wararka ee Kuuriyada koonfureed ayaa sheegtay in markii la isku dayay in la qabto madaxweynaha uu dhacay iska horimaad lagu diidanaa qabashadiisa, kaasoo dhexmaray qaar kamid ah ilaalaa madaxtooyada uu deganaa ninkan iyo ciidamo koobnaa kuwa dembi baarista iyo booliska oo soo xriyay Yuun.

Banaanbaxyo iska soo horjeeda ayaa dhacay kadib markii la xiray ninkan, qaar kamid ah dibadbaxayaasha ayaana kasoo horjeestay xarigiisa halka kuwo kalena ay taageereen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments