Sunday, December 29, 2024
HomeWarka DibaddaMadaxwaynihii Kuuriyada Koonfurteed oo Xilkii laga Casilay, Kadib Eedeymo Loo Jeediyay.

Madaxwaynihii Kuuriyada Koonfurteed oo Xilkii laga Casilay, Kadib Eedeymo Loo Jeediyay.

Wadanka Kuuriyada Koonfurteed waxaa wali ka taagan deganaan la’aan sidsadeed oo ka dhalatay xaaddii deg degga ahayd ee uu ku dhawaaqay madaxwaynihii hore labo todobaad kor xilka laga qaaday ee Yoon Suk Yeol.

Kadib xilka qaadistii ninkaasi waxaa xilka madaxtinimo ee dowladda kuuriyada Koonfureed sii haye ka noqday, ra’iisul wasaarihii wadanka Haan Daak Soo, isagana saacado kahor ayuu wax loogu yeero Baarlamaanka xukuumadda dalkaasi kajirta u codeeyay in xil ka qaadis lagu sameeyo waana la casilay.

Mucaarad wadankaasi ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha xilka laga qaaday, inuu diiday in baaritaan lagu sameeyo shaqsiyaad ku eedeysan ku lug lahaanshiyaha qalaalsaha siyaasadeed ee ka jira dalkaasi, iyo inuu 3 qaadi uu u magacaabo wax loogu yeero maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi ka jirta, taasoo ay ka banaan yihiin sedax kursi oo dadkii ka shaqeynyay howgab noqdeen.

Wadanka Kuuriyada Koonfureed ayaa haatan ku jira jiho wareer siyaasadeed, iyadoo ninkii hogaaminta dalka loo magacaababa ay qolo kasoo horjeedda dhaliil usoo jeedinayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments