Warqad ay si wadajir ah usoo saareen Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Dowladdii kumeelgaarka, Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka iyo Xillibaan Cabdiraxaman Cabdi Shakuur, ayaa looga digay Xasan Sheekh Maxmuud iibinta dhulka caamka ah.
“Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay sadexdan shakhsi soo saareen.
Wuxuu hadalkooda kusoo aadaya iyadoo ay aad usoo bateen tallaabada ay Dowladda Xasan Sheekh Maxmuud dhulka danta guud iyo kuwa xitaa gaar loo leeyahay ay uga iibineyso ganacsato iyo shakhsiyaad kale, arintaas oo dad badan ay ka cabteen.
Hadda waxa uu Xasan Sheekh Maxmuud usoo dhigtay xarumaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho, isagoo si aan la ogeyn uga iibsanaya ganacsato, markaas kadibna ganacsato ciidamo wato ay kusoo duulayaan xarumaha.