Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay weeraro isugu jira madaafiic iyo mid toos ah ka fuliyeen, magaalada beydhabo iyo deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Haddaan ku horreyno gobalka Baay, waxaa xalay weerar madaafiic ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Xabashida Itoobiya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka.
Madaafiicda ayaa gudaha ugashay garoonka, illaa iyo haddana ma anaana helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen, fariisin ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Weerarkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Siinka-dheer ee ku yaalla duleedka Muqdisho.