Madaxweynaha Faransiiska iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Xabashida ayaa waxa ay guul taariikhi ah ku tilmaameen, heshiiskii amaca Itoobiya ee qabsashada Badda Soomaaliya.
Emmanuel Macron madaxweynaha Dowladda Faransiiska oo maalintii Sabtida booqasho ku tagay dalka Itoobiya ayaa waxaa soo dhaweeyay Abiy Axmed oo ah Raiisal Wasaaaraha Xabashida Itoobiya.
“Walaal iyo saaxiib wanaagsan oo Itoobiya leedahay” ayuu Abiy Axmed ku tilmaamay Faransiiska mar qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa “X”.
Waxay labaduba si wada-jir hoosta uga xariiqay in damaca Itoobiya ee Badda Soomaliya uu yahay guul taariikhiya oo xaqiijinteeda iska kaashan doonaan.