Saturday, January 4, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo Mar kale Guryo Hor Leh ku Burburiyay Koonfurta Lubnaan.

Maamulka Yahuudda oo Mar kale Guryo Hor Leh ku Burburiyay Koonfurta Lubnaan.

Askarta maamulka Yahuudda ayaa wali wadanka Lubnaan ee dhulka Shaam kawada gumaadka ay ku hayaan shacabka halkaasi ku dhaqan, iyagoo dhanka kale doonaya iney baabi’iyaan noloshooda.

Muddo ka badan hal bil ayey Koonfurta wadankaasi kawadaan askarta Yahuuddu burburinta guryaha ay dadku degan yihiin.

Guryaha ay degan yihiin dadka rayadka ah ay ku xiraan qaraxyo, kadibna sidaasi ayey ku burburinayaan, waxayna arrintani sameeyeen tiro dhowr jeer ah.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee xukuumadda Lubnaan, dhawaan waxay ciidanka yahuuddu dhibaatooyin kala duwan ka geysteen degmada Marjiciyuun iyo Bintu Jabiil oo katirsan, gobolka An-Nabadiyah, iyo magaalada Suur oo dhamaantood dhaca Koonfurta Lubnaan.

Waxay qaraxin, burburinta guryaha iyo gubidooda, dhaca hantida iyo rasaaseyn isugu dareen, shacabka ku nool magaalooyinka aan soo sheegnay.

Askarta Yahuuddu wali waxay ku sugan yihiin koonfurta wadanka Lubnaan oo ay markii hore dagaal kusoo galeen, waxayna waxba kama jiraan kasoo qaadeen marka la fiiriyo sida ay udhaqamayaan, xabad joojintii la sheegay in la dhexdhigay iyaga iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments