Sida uu sheegay wargeyska Al-Macaariif ee laga leeyahay dhanka Yahuudda, waxay diyaaradaha Sahaayiyadu subaxnimadii shalay duqeyn ka geysteen mandiqadda Al-Biqaac Sharci oo katirsan Lubnaan.
Duqeyntan ayaa si gaar ah kaga dhacday magaalada Daariyaa ee dhacda Galbeedka Baclabak, waxayna beegsatay guri hase ahaatee lama soo sheegin waxyeello nafeed oo ka dhalatay, waana duqeyntii ugu horreysay oo ka dhacda mandiqaddan, tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiskii xabad joojintii ee fashilmay.
Tan iyo intii ay bilaabatay dhaqan gelinta heshiiska lagu sheegay xabad joojinta ee la dhexdhigay maamulka Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaaba Xisbullaah, Yahuudda maalin ma aysan dhaqan gelin heshiiskaasi, waxayna tan iyo mudadaasi billaabatay dileen 32 ruux halka ay dhaawaceen 38 kale.
Waxaa muuqata in mar kale Maamulka Yahuuddu doonayo inuu si toos ah dib uga billaabo wadanka Lubnaan duqeymihii uu ka geysan jiray, taasiina waxaa ka dhalankara dagaal mar kale ka qarax halkaasi.