Maamulka Sahaayinada ayaa dhawaan duqeyn ka geystay, magaalada Deyradabaa ee dhacda Koonfurta Lubnaan.
Duqeyntaan oo ahayd mid dhanka cirka ah, ayey Yahuuddu ku dileen 5 ruux, halka ay ku dhaawaceen 4 kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Lubnaan.
Dhanka kale diyaarad Drones ah oo laga leeyahay dhanka Yahuudda ayaa gaari ku duqeysay magaalada Suur ee dalka Lubnaan, sida ay sheegtay wararka ee xukuumadda wadankaasi.
Sawirro laga soo qaaday gaari duqeynta lala beegsaday ayaa muujinay isagoo gebi ahaanba burburay, islamarkaana la deminayo dab ka kacay.
Ciidamada Yahuudda ayaa dhankooda sheegay iney beegsadeen hub ku rarnaa gaari ay isticmaalayeen ururka Shiiciga ah ee isugu yeera Xisbullaah.
Dhacdooyinkan is xig xiga ayaa imaanaya, xilli uu fashil kusoo dhamaaday heshiiskii lagu sheegay xabad joojinta ee la dhexdhigay Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.