Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa dhawaan sheegtay, in duqeyn diyaaradeed oo dhacday mandiqadda marjiciyuun ee dhaca Koonfurta Lubanaan ay Yahuuddu la beegsadeen, koox dad ah oo goob wada joogay, waxayna halkaasi ku dishay 2 ruux.
Duqeyntan ayaa dhacday maalintii Isniinta ee aynu soo dhaafnay waxayna imaaneysaa xilli ciidanka Yahuuddu ay wali ku sugan yihiin Koonfurta Lubnaan, islamarkaana ay halkaasi kasii wadaan xasuuqooda ka dhanka ah dadka reer Lubnaan.
Wax lagu sheegay xabad joojin ayaa muddo haatan laga joogo bil oo kale ah la dhexdhigay maamulka Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, ciidanka Yahuudda ayaana heshiiskaas kadib dhibaatooyin farabadan ka geystay dalka Lubnaan gaar ahaan Koonfurta.
Bubur baaxadleh ayey duqemaha Yahuuddu ugeysteen Wadanka Lubnaan, taasoo soo kabashadeeda dadka wadankaasi ku qaadan doonta waqti, maadaama ay la daalaadhacayaan dhibaatooyin kala duwan.