Hogaamiyaha maamulka SSC Khaatumo ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka uga maqantahay xuquuq badan oo ay lahaayeen, haddii ay heli waayaanna ay isku tashan doonaan.
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, oo ka hor hadlayay xubnaha baarlamaanka maamulkiisa, ayaa sheegay in mudada sanadka ah ee uu maamulkiisu jiro, aanu helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud.