Maamulka SSC Khaatumo, ayaa beeniyay in ciidankiisu boobeen raashiin ay lahayd hay’adda WFP.
Gudoomiyaha maamulkaas ugu magacaaban gobolka Ceyn oo lagu magacaabo Cumar Xaaji Cabdi ayaa warbaahinta isagoo la hadlay wuxuu sheegay, in ciidankooda aaney boobin raashiin ay hay’addu lahayd.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in hay’adda WFP ay khalad ku kacday, oo ay deegannadaas soo gelisay raashiin iaydoo aan ku wargelinin maamulka.